Baro wax ku saabsan xanuunka dhimirka iyo NPF
Loogu talagalay waalidiinta

“Macluumaadku waa inuu noqdaa mid qof walba heli karo”
Waxay ahayd shaqo macno iyo qiimo wayn ii lahayd, taas oo aan fursad u helay inaan ka qayb qaato kordhinta helitaanka macluumaadka, ka qaybgalka iyo isfahamka. Aniga ahaan, waxaa muhiim ii ah in macluumaadku noqdo mid qof waliba heli karo, isla markaana dadku ay awoodaan in ay ka faa’iidaystaan macluumaadkaas ku salaysan duruufahooda iyo baahidooda gaarka ah.
Waxyaabaha aad halkan ka heli karto
Dooro mawduuc ka mid ah kuwa hoos ku qoran si aad u baratid. Guji xiriirka si aad toos ugu tagto qaybtaas bogga internetka.
Koorsooyin internetka ah →
Wax ka baro arrimaha xanuunka dhimirka iyo NPF.
Koorsooyin internetka ah oo loogu talagalay waalidiinta →
Baro lix mawduuc oo ku saabsan barbaarinta carruurta iyo nolosha qoyska.
Fiidiyowyo →
Dhageeyso waalidiin kale oo wadaagaya khibradahooda
Koorsooyin internetka ah
Xanuunka dhimirka/psykisk ohälsa
Koorso internetka ah
Waxbarashadan waxaad ku baran doontaa wax badan oo ku saabsan dhibaatooyinka xanuunka dhimirka iyo macnaha ereyada kala duwan, sida walbahaarka, welwelka, niyad-jabka, dhibaatooyinka cunnada iyo PTSD.
Waa bilaash waxbarashadaan mana u baahnid inaad furatid wax akoon ah.
NPF (Tusaale ahaan adhd iyo autism)
Koorso internetka ah
Waxbarashadan waxaad ku baran doontaa astaamaha neerfaha (NPF) iyo macnaha ereyada kala duwan, sida adhd iyo autism.
Waa bilaash waxbarashadaan mana u baahnid inaad furatid wax akoon ah.
Koorsooyin internetka ah oo loogu talagalay waalidiinta
Ma tahay waalid la nool dhibaatooyinka xanuunka dhimirka ah ama NPF?
Koorsadan waxaa loogu talagalay adiga.
Waxaad daawan kartaa fiidiyowyo, waxaad heli kartaa talooyin ay bixiyeen waalidiin kale, sidoo kalena waxaad samayn kartaa layliyo fudud. Waxa kale oo aad madasha wada-hadalka ka akhrisan kartaa khibradaha waalidiinta kale.
Waxbarashadaan wuxuu ka kooban yahay lix qaybood. Waxaad ka bilaabi kartaa qaybta koowaad ama waxaad dooran kartaa qaybta ku habboon baahidaada. Waqtigaaga qaado oo baro sida adiga kugu habboon!
Waa bilaash waxbarashadaan mana u baahnid inaad furatid wax akoon ah.
Waxa waalidiinta kale ay ka yiraahdeen waxbarashadan
Adiguna maxaad ka leedahay koorsooyinkan internetka ah?
Fikradaadu waa noo muhiim! Noo sheeg waxaad ka leedahay koorsooyinka internetka ah. Jawaabahaagu waxay naga caawinayaan inaan horumarino koorsooyinka.
Waayo-aragnimada waalidiinta
Abdinassir
La tacaalidda dhibaatooyinka xanuunka dhimirka
Cabdinaasir wuxuu ka warramayaa daalkii iyo dhibaatooyinkii uu la kulmay noloshiisa. Wuxuu sidoo kale sheegayaa in ay waqti dheer ku qaadatay inuu caawimaad raadsado.
Filimkan wuxuu leeyahay qoraal aad ka akhrisan karto hoosta oo af-Soomaali ah.
Raghad
La noolaanshaha NPF
Raghad waxay ka warramaysaa sida wiilkeeda looga helay adhd iyo sida ay u bilowday inay fahanto xaaladdeeda. Markii ay iyaduna caawimaad raadsatay, waxaa laga helay adhd/add.
Filimkan wuxuu leeyahay qoraal aad ka akhrisan karto hoosta oo af-Soomaali ah.
Fiidiyowyo gaagaaban oo wax sharxaya
Waa maxay psykisk ohälsa?
Fiidiyow gaaban oo af-Soomaali ah oo si fudud u sharxaya dhibaatooyinka xanuunka dhimirka. (1:10 daqiiqo)
Waa maxay NPF?
Fiidiyow gaaban oo af-Soomaali ah oo si fudud u sharxaya waxa NPF yahay. (1:30 daqiiqo)
Awoodarrida iyo walbaaharka ay dareemayaan waalidiinta
Waqti la qaadashada ilmahaaga
Waa inaad barataa sida aad uu xoojin karto xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo ilmahaaga.
Filimkan wuxuu leeyahay qoraal aad ka akhrisan karto hoosta oo af-Soomaali ah.
Fahamka walbahaarka
Baro waxa murugado keena, sida uu kuu saameeyn karo iyo waxa aad samayn karto si aad ula tacaasho.
Filimkan wuxuu leeyahay qoraal aad ka akhrisan karto hoosta oo af-Soomaali ah.
Daryeelka tamartaada
Baro sababta ay tamartaadu mararka qaarkood u dhammaato. Waxaad sidoo kale baran kartaa sida aad naftaada u daryeeli karto.
Filimkan wuxuu leeyahay qoraal aad ka akhrisan karto hoosta oo af-Soomaali ah
Si wadajir ah ayaa loo sameeyay
Waxaa maalgeliyay